Saturday, June 05, 2004

Hawlihii iga soo maray iyo sababta aan u qoray buugga Xasuus Qor

Dhibaatada ugu weyn ee aan wajahay markii aan buuggan bilaabay, waxa ay ahayd in qoraaladii taariikheed ee reer galbeedku Soomaalida ka sameeyeen ay laftoodu isku khilaafsanaayeen. Sidoo kale, waraysiyaashii aan dadka Soomaalida ah la yeeshay oo qaarkood iska hor imaanayeen. Sidaas darteed, waxaa waqti badan iga qaatay is barbardhigga iyo dib xaqiijinta wararkaas is-khilaafsanaa.

Sidoo kale, marka aad Soomaalida dhexdeeda ka raadinaysid xaqiiqo taariikheed, ha ahaato wax qoraal ah, ama dad si daacad ah kuugu warama, run ahaantii aad ayey u adag tahay; .in aad heshid qof 100% ka madax banana dareenka xagga qabiilka. Arrintaasina waxa ay sababtay in ay waqti dheer iga qaadato sidii aan qof walba oo aan waraysanayo u qancin lahaa; una tusi lahaa in aan dhexdhexaad ka noqondoono xaaladda taariikheed ee Soomaalidu soo martay.

Dad badan oo aan waraystay taariikhda iyo xaaladda Soomaalidu soo martay si fiican ayey uga war-hayeen, laakiin waxaa ku adkaatay in ay xasuustaan waqtiga dhacdooyinkaasi dhaceen. Sidaas darted, maadaama aan dhacdooyin taariikhaysan daba joogay, waxaa khasab igu noqotay in sheekooyin aan dadka qaarkiis ka weriyey ka tago oo aanan qaadan.

Waxaa kale oo iyaduna dhibaato weyn ahayd in dad badani su’aalo qalafsan buugga iga weydiinayeen, sida “buuggaagu sidee ayuu dhexdhexaad u noqon karaa, xaggaad macluumaadka ka soo ururisay, yaad waraysatay, reer hebel yaad ka waraysatay, iwm.” Dad aan badnayn oo aan isku deyey in aan waraysto waxa ay iga codsadeen in ay horta waxa ii qoran akhriyaan inta aanay waraysi ila yeelan, waayo waxaa ku jirey dareen aad u weyn oo xagga qabiilka ah. Waxaa sidoo kale dadka qaarkood ku dedaaleen in fikradda ay siyaasadda Soomaaliya ka qabaan ay buugga ka muuqato (qabiil ahaan). Waxaanse si weyn uga taxadiray in aan arrintaasi dhicin. Dedaalkaasina waxa uu ii sii kordhiyey garaad iyo garasho cusub oo i siiya miyir iyo deganaan iga ilaaliya in aan khalad weyn oo taariikheed ku dhaco.

Inkasta oo maraxaladaha adag ee aan ka soo maray ururinta taariikhda ay mararka qaarkood igu abuureen niyad-jab, waxaan dhiiri gelin iyo talooyin wax ku ool ah ka helay qaar ka mid ah dadkii aan waraystay, iyo shaqsiyaad aanu saaxiib nahay. Run ahaantiina waxa aan dhihi karaa haddii aanan dhiiri gelintaas helin, waxaa suurto gal ahaan lahayd inaan buugga qabyo uga tago.

Markii aan taariikhdii hore ee Soomaalidu soo martay, gaar ahaan xilligii gumeysiga aan akhriyey, waxaan dareemay xanuun, murugo, calool-xanuun, tiiraanyo, cadho iyo ciil. Soomaalida dhaqankeeda waxa ka mid in ninku haddii uu ooyo ay ceeb tahay, laakiin run ahaantii mudadii aan akhriyayey sidii Soomaalida loo duleystay ee gumeystayaashii Xabashida, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Kenyaanku u bah-dileen; wax badan ayey indhahayga ilmo ka soo daadatay, wax badan ayaan tiiraanyooday, wax badan ayaan dawladihii Soomaalida dulmiyey u cadhooday. Xaqiiqadiina waxa aan fahmey in waddamadaasi wax walba dantooda ka hor-marinayeen, laakiin ay nolosha, sharafta iyo dadnimada soomaalida aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin. Xanuunkaas badan ee aan akhriyey ee dadka Soomaalidu soo mareen, waxa uu i ilowsiiyey xaaladdii xumayd ee dadka iyo dalkuba ku sugnaayeen xilligii dagaalka sokeeye, waxa ayna noqotay xaalad aan si fiican ula qabsaday.

Ururinta iyo baadhitaanka taariikhda Soomaalida waxa aan bilaabay sannadkii 1988, waxa aanan dhammeeyey sannadkii 2003. Waxaa kale oo jirtey aniga oo subax kasta shaqo caadi ah u kallihi jirey galabtiina ka soo noqon jirey; iyo aniga oo weliba markii dambe jaamacad galay oo arday ahaa. Sidaas darteed, waxaa aad iigu yaraa waqtiga aan u hayey qoritaanka buuggan. Si haddaba aan waajibkii i saaraa u guto, ayaan waqtigayga intiisii badnayd u meel dhigay marka aan shaqada ka soo baxo iyo maalmaha fasaxa ah.

Qoritaanka buuggan sabab uma ahayn in aan lacag ama magac midna ka helo,waxa ay ahayd arrin ku bilaabatay si lama filaan ah. Xilligaas oo ay sii xoogaysteen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka socday, ayaa waxa aan bilaabay in aan jaraa’idka wararka Soomaaliya ku saabsan ku qoran yihiin uririyo –aadna u akhriyo.

Dagaaladii, dhicii iyo dhimashadii waddanka ka taagnaa oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayey, waxa ay sii kordhiyeen werwerkii aan ka qabey dhibaatadii shacbiga Soomaaliyeed wajahdey. Inkasta oo dareenkaas xanuunka badnaa ee aan ka qabey dagaaladii waddanka ka socdey, ay u sabab ahayd in aan buuggan qoristiisa ku dhiirado, haddana go’aanka kama dambaysta ah ee igu kalifay in aan buuggan qoro, waxa ay ku dhacday si lama filaan ah oo aan markaas dareenkayga ku jirin.

Muddo markii aan ururinayey dhibaatooyinkii Soomaaliya ka socday ayaa niman dhalinyaro ahaa oo guri aanu wada deganeyn—qaarkood dhibsadeen jaraa’idkii iyo macluumaadkii badnaa ee guriga buuxiyey. Markii cabashadii sii badatay ayaa waxa aan bilaabay in wararkii Soomaaliya laga qoray ee aan ururinayey soo koobo oo aan u qoro sidii hab xasuus qor ah.

Inkasta oo aniga oo ixtiraamaya dadkii ila deganaa ku dedaalay in aan yareeyo macluumaadkii guriga buuxiyey, haddana waxaa aad u caddayd in taariikhdaas aan ururinayey xad dhaaf ahayd, gaadheyna heer aan loo dul qaadan karin. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin aanu saaxiib ahayn kana mid ahaa dhalinyaradii aanu wada degganayn—ahaana dadka aad u fiirada dheer uu ii soo jeediyey in haddii aan taariikhda Soomaalida sidaas u jeclahay buug ka qoro.

Inkasta oo aan taladaas u guuxay, haddana shaki ayaa iga galay in aan xilkaas weyn gudan karo. Hase ahaatee, markii aan muddo ka fekerayey, ayaa waxa aan si fiican isugu qanciyey in aan qori karo; maadaama aan markaas macluumaad aad u fara badan aan gacanta ku hayey. Markii aan isku qanciyey in aan buugga qoro ka dib, ayaan haddana waxa aan is-weydiiyey habkii aan u qori lahaa iyo magacii aan u bixin lahaa.

Si aan haddaba uga baaraan dego habkii aan buugga u qori lahaa baan dib ugu noqday—taariikhdii aan ururiyey oo hab xasuus qor ah iigu qornayd. Muddo markii aan falanqaynaayey ayaa waxa igu soo dhacday, maadaama dadka Soomaalida ahi aanay xagga wax akhriska ku fiicnayn, malaha habkan kooban ayaa ugu fudud in aad fikradda meel isugu geysid oo aad qortid dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay, markiibana waan isku qanciyey arrintaas. Waxa kale oo ii muuqatay in habkani u fududayn doono akhristayaasha, in ay buugga akhriskiisa xiiseeyaan. Maadaama aan go’aansaday in aan buugga u qoro hab xasuus qor ah, waxaan sidoo kale go’aan ku gaadhey in aan magaca buugga u bixiyo Xasuus Qor.

Markii aan soo gaadhey meel aan dhihi karo waxa ii muuqatay in buuggii aasaas yeeshay, habkii aan u qori lahaana waadix ii noqday, ayaa waxa aan bilaabay in aan is-dejiyo oo hoos uga dego dareenkii xanuunka badnaa ee Soomaaliya ka jiray. Waxa kale oo aan si weyn xoogga u saaray n wixii aan hore u qoray oo dhan dib ugu noqdo, kala nadiifiyo, wixii shaki igaga jireyna ka saaro; isuna aan arko qoraa ka tegi kara raad iyo taariikh dadka Soomaalida ah anfaca, jiilka soo socdana u noqon kara tix-raac tusa halgankii dheeraa ee dadkoodu soo maray.

Ugu dambayntii markii aan ku soo dhowaaday gebagebada buugga oo aan u arkay in uu noqon karo buug dhaxal gal ah, ayaa waxa aan u arkay in uu yahay buug ku habboon inta aanan daabicin, in loo bandhigo taariikhda uu xambaarsan yahay dadka Soomaalida ah ee wax garadka ah. Sidaas darteed, waxa aan go’aansaday in aan 15 koobi buugga ka sameeyo, una kala dhiibo dad Soomaaliyeed oo wax garad ah—si aan fikradooda u arko, isla mar ahaantaasna ay uga turxaan bixiyaan wixii iseegay ee toosinta u baahan; isla markaasna fikradda ay ka qabaan ii soo jeediyaan. Ujeedadu ma ahayn saxidda buugga keliya ee waxa aan kale oo rabey in wixii canaan, eed, ama waano ah la ii soo jeediyo—si aan u cabiro dareenka shacbiga. Waxa aan buugga u dhiibay 15 qof, laakiin 13 ayaa soo akhriyey oo dhammaystiray.

Sida aad buugga ku arki doontaan, qaar ka mid ah dadkaas ayaa fikraddooda ka dhiibtay, qaar ka mid ahina waa ay ka aamuseen—waayo buugga qaybo ka mid ah ayey khilaafsanaayeen waxa ayna door bideen in ay fikraddooda ka gaabsadaan. Dadkii buugga akhriyey ee fikraddooda ila wadaagey wax weyn ayey buugga ku soo kordhiyeen. Talooyinka ay ii soo jeediyeenna waxa ay noqdeen kuwo dhaxal gal ah oo khaladaad badan oo aan ku dhici lahaa iga bad baadiyey.

Buugga Xasuus Qor waxa aan markii hore ku talo jirey in aan soo saaro (daabaco) sannadkii 1996kii, laakiin dagaalkii sokeeye ee waddanka ka socday iyo dib u habayn badan oo aan ku sameeyey ayaa dib u dhigay. Waxaana markii dambe igu adkaatay in aan joojiyo, hase ahaatee, maadaama aanay taariikhdu dhammaan ee ay silsilad socota tahay, waxa aan markii dambe go’aan ku gaadhey in aan taariikhda buugga ay bilow u ahaato sannadkii 1400 kuna ekaato sannadkii 2000; taas oo ah 600 oo sano (tiro isleeg) oo taariikhda Soomaaliya inteedii badnayn soo koobaysa. Inkasta oo ay 15 sano igu qaadatay qoritaanka Xasuus Qor, waqti iyo dhaqaale badanina igaga baxeen, ma jirto maalin aan ka farxad badanahay in aan soo gebogebeeyo—buug aan dhihi karo, waxa uu noqon karaa buugga ugu qiimaha weyn ee qof Soomaali ahi dadkiisa u qoro.

Faarax Aw Maxamuud Maxamed

2 Comments:

At 8:29 AM, Blogger Richard Plue said...

This comment has been removed by a blog administrator.

 
At 6:10 AM, Anonymous Anonymous said...

Waxaan kuu soo dirayaa hambalyo aad u qiimo badan,
Waxaan akhriyey erayada ugu horeeya ee hawlihii kaa soo maray....., runtiina waay i qanciyeen, waan akhriyi doonaa buugaaga waxaan rajaynayaa inaan ku qanco Erayadaada.

Wanaag iyo cibaada suuban baan Alle weyne kaaga baryayaa. Nabad gal.

Said Osman

 

Post a Comment

<< Home